Haqabtirenews.com
Wafti Ka Socda Boqortooyada Sucuudiga Oo Maanta Safar Ku Iman Doona Somaliland Iyo Ujeedkooda
September 20, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Wafti culus oo ka socda Boqortooyada Sucuudiga ayaa la filayaa in maanta ay ka soo degan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

War Rasmi ah oo arintan ku saabsan oo xukuumada Somaliland ka soo baxay ma jiro hasa yeeshee wararka uu Helay Wargeyska Warsugan ayaa sheegaya in wafti isku jira masuulyiin ka tirsan dawlada iyo xubno ka tirsan jaaliyada Somaliland ee dalka Boqortoyada Sucuudigu ay wehelinayaan.

Waftigan ayaa maanta lagu soo dhaweyn doona madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa , waxaana waftigan la sheegay in uu hogaaminayo Muwaadin asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse degan dalka Sucuudiga oo la yidhaa Ismaciil kana mid ahaa xubnihii u suuro galiyey waftigii madaxweyne ku xigeenku hogaaminaayey in si heer sare ah loogu soo dhaweeyo dalka Sucuudiga oo ay u tageen gudashada waajibaadka Xajka.

COMMENTS
Latest News