Haqabtirenews.com
Hoggaamiyeyaasha Dalalka Jabuuti Iyo Eritrea Oo Wada-hadal Rasmi Ah Ku Yeelanaya Sucuudiga
September 17, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Jeddah:-(HTN) Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay galinkii dambe gaadhay magaalada Jeddah ee caasimada dalka Sucuudiga wax yar ka dib markii ay heshiis nabadeed ku kala saxeexdeen Madaxweynaha dalka Eritrea iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya.

Hore looma sii sheegin safarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku tagay dalka Sucuudiga balse waxa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa la filayaa in uu wada-hadal rasmi ah la yeesho dhiggiisa dalka Eritrea, waxaanu wada-hadalkani bilow u yahay heshiisyo nabadeed oo labada dalka colaadu ka dhaxaysay kala saxeexdeen.

COMMENTS
Latest News