Haqabtirenews.com
Dawladda Maraykanka Oo Malaayin Doollar Siinaysa Ukraine
July 21, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Washington:-(HTN) Mareykanka wuxuu shaaca ka qaaday in xukuumadda Ukraine uu siinayo 200 miliyan oo doolar sii uu xoojiyo awooddiisa difaaca ee gobolka.

Armed men in military fatigues block access to government buildings in eastern Ukraine’s rebel-held Lugansk on November 22, 2017.
The patrols began after an apparent standoff between the rebel region’s self-proclaimed leader Igor Plotnitsky and the interior minister, who’s been accused of seeking to destabilise the war-scarred city. / AFP PHOTO / Aleksey FILIPPOV (Photo credit should read ALEKSEY FILIPPOV/AFP/Getty Images)

Bayaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in lacagahani lagu maalgelin doono tabbabarka ciidamada, xiriirka isgaarsiinta, adeegyada caafimaadka iyo xoojinta hubka aan saamaynta badan lahayn ee dalka Ukraine.

Mareykanka wuxuu sidoo kale sheegay in ka badan 1 bilyan oo doolar uu ku taageeray xukuumadda Kiev tan iyo sannadkii 2014-kii.

Ruushka ayaa xilliggaasi la wareegay gobolka Crimea, waxaana lagu eedeeyay inuu hubaynayo kooxaha raadinaya gooni u goosadka bariga dalka Ukraine.

Xukuumadda Moscow waxay beenisay wararka sheegaya in ciidammada ay hub siisoo kooxaha ku sugan bariga Ukraine balse wuxuu Ruushka qiray in kooxo isa soo xilqaamay ay caawinayaan fallaagada.

In ka badan 10,000 qof ayaa lagu dilay colaaddii ka socotay deegannada bariga ku yaalla ee Donetsk iyo Luhansk.

Hadalka Mareykanka ayaa imaanaya xilli dhawaan uu kulan dhexmaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxyaabihii ay ka wada hadleen ay kamid ahayd qalalaasaha Ukraine.

COMMENTS
Latest News