Haqabtirenews.com
Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika
July 19, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Cape Town:-(HTN) Budhcad hubeysan ayaa deegan ku dhow magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxay ku dileen muwaadin Soomaali ah, xilli uu ku sugnaa xaruntiisa ganacsiga.

Side ay sheegeen ganacsato Soomaaliyeed oo halkaas ka dhowaa, muwaadinkaan ayaa isaga oo banaanka dukaankiisa ku sugan waxaa soo weeraray dhowr nin oo burcad ah, kadibna waxay ku fureen rasaas.

Muwaadinka la diley ayaa lagu magacaabaa Cabdi Muxudiin Jimcaale, waxaana meydkiisa qaaday ciidamada Booliiska.

Koonfur Afrika ayaa sidan oo kale waxaa bishii tagtay loogu diley Labo muwaadin Soomaaliyeed, kuwaasi oo ganacsi ku lahaa dalkaasi.

COMMENTS
Latest News