Haqabtirenews.com
Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qarixii Itoobiya + Saraakiil Loo Xidh-xidhay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
June 24, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Addis Ababa:-(HTN) Dawlada Itoobiya ayaa xidh-xidhay ilaa iyo 12 qof oo 9 ka mid ah ay yihiin saraakiil iyo saddex qof oo Shacab ah. Saraakiisha booliiska ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intii aanu dhicin.

Saddexda qof ee shacabka ah ayaa 2 ka mid ah ay yihin haween iyo nin, ayaa la sheegay in laga qabtey goobtii qaraxa. Guud ahaan dalkaasi ayaa galey jahwareer markii qaraxa shaley lala beegsadey Isu soo bax uu ka hadlay Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed.

Waxaa hawada laga saarey dhowr TV oo gudaha ah waxaana dhacay howlgalo sugid amni ah.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed ayaa booqdey Isbitaalada la geeyey tobonaan dad ah oo dhaawacyo kala duwan qabo oo 15 ka mid ah ay liitaan.

Halkan Hoose Ka Daawo

COMMENTS
Latest News