Haqabtirenews.com
Xuutiyiinta Oo Laga Qabsaday Qaybo Madaarka Iyo Dekadda Magaalada Xudayda.
June 20, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Yemen:-(HTN) Xoogagga u dagaalamaya xukuumadda dunidu aqoonsantahay ee Yemen ayaa qabsaday madaarka iyo dekadda Xudayda intooda badan.

Waxa halkaa maalinnimadii oo dhan ka socday dagaal culus oo dhex marayey xoogaggaas oo ay taageerayaan huwanta Sucuudigu hogaaminayo iyo fallaagada Xuutiyiinta.

Muuqaalo Telefishanadu baahiyeen ayaa muujinayey in dagaalyahanno ka tirsan isbahaysiga ka soo horjeeda Xuutiyiinta oo ku dhex jira madaarka.

Hadii si buuxda loogala wareego madaarka waxay arrintaasi wiiqi doontaa dagaalka ay doonayaan in ay ku haystaan magaalada Xudayda oo gacanta ugu jirtay dhawr sannadood.

Dekadda Xudayda waxa ay marin muhiim ah u tahay gargaarka loo wado malaayiinta qof ee Yemeniyiinta ah ee qarka u saaran macaluusha.

Isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee la dagaalamaya Xuutiyiinta ayaa hore u sheegay in ay ku dhawyihiin in ay qabsadaan magaalada Xudayda .

Af-hayeenka u hadlay xulafadaas Kornayl Turki Al-Maliki, muu cadaynin in in qorshahani yahay in ay xulufadu ku doonayso in ay magaalaada ku qabsanayo iyo in kale tan iyo markii ay bilaabmeen hawlgallada milatari ee dalkaas ka socdaa.

Waxaa uu Turki shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Riyaad ku sheegay in “Xudayda ay haatan ciidamada xulufada ee halkaa hawlgalka ka wadaa ay u jiraan labaatan Kiiloo mitir”

Masuuliyiin Yemeniyiin ah ayaa mar hore wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in in ciidamadaas ku si siqayaan Xudayda laakiin aanay weli go’aansanin in ay galaan goobaha rayidku deganyihiin.

Dowladda Sacuudiga ayaa hore u sheegtay in Xuutiyiintu Badda Cas ku weerareen markab nooca shidaalka qaada ah oo halkaa marayay.

Afhayeen u hadlay isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudigu oo in muddo ah dagaal kula jiray Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in waxyeelo ay gaadhay markabka, balse uu halkaa ka sii shiraacday.

Xuutiyiinya Yemen ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen maraakiib dagaal oo ay leeyihiin isbaheysiga Sacuudigu.

Falkan ayaa dhacay iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay ay ku howlantahay shir dhaqaale loogu uruurinayo duruufaha aademenimo ee dalkaasi.

Xoghayaha guud ee Qamada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahaadalada nabadadda ee Yemen.

COMMENTS
Latest News