Haqabtirenews.com
Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya
June 20, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Muqdisho:-(HTN) Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maalinta Khamiista ku wajahan magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya.


Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya, maalmo kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed uu sabtidii la soo dhaafay uu socdaal ku yimid magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu 21-ka bishan uu kaga qeyb galayo Shir Madaxeedka IGAD oo looga hadlayo xaalada dalka Koofurta Sudan.

Shir Madaxeedka IGAD ayaa horay loo iclaamiyay in arrinta Koofurta Sudan looga hadlo, gaar ahaan xal u helida colaada iyo xaaladaha ka taagan dalkaas.

 

COMMENTS
Latest News