Haqabtirenews.com
Somalia: Mudaaharaadyo Lagu Taageerayo Dagaalka Tukaraq oo Ka Dhacay Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo.
June 18, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Mudaaharaadyo lagu taageerayo dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee u dhexeeya Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ayaa laga abaabulay magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe.

Mudaaharaad maanta ka dhacay Garoowe oo isugu soo baxeen dad badan aya lagu sheegay in lagu taageerayo ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Somaliland, sidoo kalena waxay taageereen dadwaynuhu waxa lagu sheegay xoraynta Sool.

Mudaaharaad kan la mid ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacayo, qaybta uu maamulka Puntland gacanta ku hayo.

 

COMMENTS
Latest News