Haqabtirenews.com
Saddex Wiil Oo Walaalo Ah Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
June 18, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Muqdisho:-(HTN) Saddex wiil oo walaalo ah ayaa xalay lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan.

Labo ka mid ah wiilasha ayaa ahaa walaalo isla dhashay, halka midka kalena ay ilmo adeer ahaayeen, waxaa ninka dilka geystay uu la ahaa qaraabo.

Ninka dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana ciidammada ammaanka ay wadaan baadigoobka ninka dilka geystay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in falka dilkan uu salka ku haayo muran dhul oo u dhaxeeya qoyska.

Inta badan muranda dhulalka iyo guryaha ayaa sababa dhibaatooyin kala duwan, waxaana dacwadaha ugu badan ee Maxkamadaha yaalla ay la xidhiidhaan muran dhul iyo guryo lakala heysto.

COMMENTS
Latest News