Haqabtirenews.com
Maraakiib Ay Saarnaayeen Qaxooti Laga Soo Diiday Talyaaniga Iyo Malta Oo Ku Xidhay Dalka Spain
June 18, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Spain:-(HTN) Saddex markab oo ay saarnaayeen muhaajiriin gaareysa 630 ayaa ku xirtey deked ku taal magaalada Valencia dalka Spain kadib markii ay wadamada Talyaanig iyo Malta ay diideen inay qaabilaan muhaajiriintaas.

Shaqaale caafimaad oo loo diyaariyay ayaa ku soo dhoweeyay dekeda waxaana lagu sameynayaa muhaajiriintaan oo u badan Afrikaan baaritaan caafimaad.

Muhaajiriintan ayaa si tahriib ah waxay uga baxeen dalka Liibiya, hase ahaatee waxaa badbaadiyey markab gargaar ah oo ay lahayd hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka.

Markabka ayaa damcay in dadkaan laga dejiyo dekadaha Talyaaniga, waa loo diiday, si la mid ahna waxaa u diiday Malta.

Dowladda Spain ayaa markabkii ka aqbashay in dadkaasi la keeno dalkeeda maadaama ay xaalad halis ah ku sugnaayeen.

Dowladda Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay iney diyaar u tahay iney qaaddo qaar ka mid ah muhaajiriintaasi.

Dowlada cusub ee dalka Talyaaniga dhowaan la wareegtay ayaa waxaa ay hore u sheegtay inaysan aqbali doonin soo galooti dambe ayna dib ugu celinayso illaa shan boqol oo kun oo qaxooti ah kuwaasoo ku nool dalka Talyaaniga.

 

COMMENTS
Latest News