Haqabtirenews.com
Kala Durugsanaa Labo, Waa Dareenka Sool iyo Damaaciga Siyaasiga WQ-Sidiiq Suudi.
June 4, 2018 - Written by admin
">

Tan iyo burburkii dawladii dhexe ee Somalida waxa guud ahaanba jaahwareer galay dhamaan amuurihii iyo hanaankii geeddi-socodka ummadda Somaaliyeed, xag dhaqaale, waxbarasho, Caafimaad, dhaqan, siyaadeed iyo diinba.

Waxaa baaba,ay amnigii iyo wada nolaanshihii gudaha, waxa dhimatay xurmadii, karaamadii iyo sumacaddii dibedda.  Isku dayo badan ayaa lasameeyay laakiin wali luguma guulaysan kasoo kabasho sax ah, taasi waxay sababtay in somaalida loo aqoonsado qoom fashilmay oo aan awoodin dhisashada qarankooda. Warbixin kasta oo aduunku soo saarana Somalida waxay ku sheegtaa hogaanka inta gumawday. Inkastoo duruufaha Somaali ku gadaaman ay laqabaan hadana reer Sool waxa u dheer dalanbaabi siyaasadeed oo aan cidi la qabin. Waxa kala jiitay Putland iyo Somaliland, Gudahoodana SSC iyo Khaatumo ayay u kala fadhiyaan. Sool dhana uma fayooba!.

Iswaydiintu waxa tahay yaa ka masuul ah dhibaatada reer Sool ay ladaalaadhacayaan? Si aynu helo jawaabta saxda ah qaran iyo qabiil aynu marba dhan ka istaagno.

Qaranimo aan ku horeeyee’ dadyowga deggan galbeedka Sanaag iyo Gobolka Sool asal ahaa waxay ku dhaqan yihiin xadka dhulwaynaha Somaliland British Protectorate. Xiligii is raaca waxay kamid ahaayeen dadkii Somaalinimada doortay. Hadii dawladii laridayna reer Sool waxay 1991 qayb ka ahaayeen kala go,ii dalka siyaasi iyo suldaanba.

Deganaanshaha xadka wada jirbaa loogu noolaa ka hor gobanimada Isaaq iyo Daaroodba, isaraaca koonfur iyo waqooyina wada jirbaa loo sameeyay. Hase ahaatee gooni isu taaggu sedex meeloodba waa ka cakiran yahay:

~Koonfur aqbal lagama helin, heshiiskii midawgana kuma jirin wax kala noqosha ah.
~Aqoonsi lama helin mudo sodon sano ku dhaw
~Beelihii dhulka Somaliland degganaa raali kuma wada ah.

Hadana iyadoo ay durufahaasi jiraan beesha Isaaq oo ah hogaanka qadiyada Somaliland iskuma hawlin hanashada beelaha kale ee ladeggan. Hal-beegaydaasi waxay ku tusayaan in israac iyo kala go,ba suurtoobi karaan.

Waa dhinicii qabiilka e’ aynu u noqono reer Sool, Warsangali iyo Dhulbahante isir waxay wadaagaan Bosaaso iyo Garoowe, dhulna waxay waadaagaan Burco iyo Hargysa, sinjina waxay wadaagaan Somaali oo dhan.
Sadexdaasiba saamaynbay ku yeesheen ayahooda siyaasadeed. Caqabadaha ugu waawayni waa siyaasiga laba gar-daaqa ah ee sanad Hargeisa jooga sanadna garoowe jooga ee hadana Muqdisho u duulaya, wuxuu marin habaabiyay masiirkii ummadda reer Sool. Garaadka 26 Jun iyo 18 May ku dhawaaqay ee hadadna 1998 Puntland wax ka aas-aasay isna ma eegin mustaqbalka da,a yartiisa.

Xoogaga hubaysan ee SSC iyo khaatumo iyaguna lama tashan wax-garadkii iyo aqoonyahankii reer Sool, siyaasigii laba gardaaqa ahaa iyo odaygii sunne gayska ahaana waxba ma waydiin. Waxay noqdeen argtiyo hor leh oo iskood u jira. Cid ma wada socdaan cidna lama socdaan. Kala jirka iyo is feeraarintu waa wax yaabaha ay ka faa,idaysanayaan qolyaha Sool kala jiidanayaa waayo dhulbahantaa noqday sodon kooxood oo aan qolana qolo u gurmanayn. Sidaa darteed dhibka Buuhoodle Lascaano iyo Badhan yaala waxa masuul ka ah siyaasiga, oday dhaqameedka iyo aqoon-yahanka Degaankaa u dhashay, Sadexduba kaalintoodii way gabeen.

Ugu dambayn xalku wuxu ku jiraa in reer Sool tashado oo mawqif midaysan ka yeesho aayahooda siyaasiga ah, inay eegaan mustaqbalka ubadkooda koraya. Afmiin-shaarka iyo qab-qablaha dhiigooda gunada ku qaatana ay meel iskaga xidhaan. Reer Sool iyagoo isku duuban waa inay dhan uun isu raacaan Somaliland, Putnland ama Somalia kay doonaan.
Hadii kale kimista Hargaysa iyo Garoowe lagu dubo marka Tuko-raq lagu cuno Caruurta Dhulbahante ayaa lagu dibira dhacsanayaa.

Wadajirbay laba gacmood
waxku qaban karaane
is weheshada walaalayaal
wadajira walaalayaal.

Waa fikirkaygii khalad banii aadambaan u ahay in la i saxana xabka.

Tawfiida Sool.
WQ: Sidik Ali Sudi.

COMMENTS
Latest News