Haqabtirenews.com
“Waxaan Ka Tacsiyadaynayaa, Kana Raalli-galinayaa Dawladda Imaaraadka Falka Xun Ee Edeb Darrada Ah Ee Ay Kula Kaceen Madaxda Soomaaliya” Faysal Cali Waraabe
April 19, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Dawladda Imaaraatka ka raaligaliyay waxa uu ugu yeedhay falka edabdarada ah ee ay Madaxda Dawlada Soomaaliya kula kacday,isagoo wax laga Xumaado ku tilmaamay wanaaggii iyo Horumarkii uu Dalka Imaaraatku ka gaysan jiray Dalka Soomaaliya iyo waxa abaal gud looga dhigay,waxaa uu imaaraatka ugu baaqay inay Soomaalida kala bartaan oo ay Shacabka Somaliland iyo Dawladeeda la shaqaystaan iskuna ilawsiiyaan wixii ay ku sameeyeen Reer Xamarku.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sidan ka sheegay Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan Telefishanka Caalamiga ah Horn Cable,waxaana haddaladiisii ka mid ahaa “Waxaan marka hore ka tacsiyadaynayaa,kana raali galinayaa Dawladda Imaaraatka ee Aanu walaalaha nahay ee Soomaalida la walaalaha ah falka xun iyo Edebdarada Xun ee ay kula kaceen Madaxda Soomaaliya,waa laguu yaqanaa Madaxda Soomaaliya inay qaniinaa Gacanta Wax siisa,waa caado ay yaqaanaan, tii uunbay ku celiyeen,umay kala hadhi reer Garowe iyo Muqdishaba isku si ayay ula isticmaaleen,Dalka Imaaraatka oo ahaa dalka qudha ee carbeed ee inoo furay khadka markii Dawladii Siyaad Barre Burburtay,ee Soomaali isku qasantay,Baasaaboorkii ogolaaday,Baayacmushtarigeenii furay,oo maanta aad arkaysid Inta Baayacmushtari ee Halkaasi joogta,Dekedeheenii Camiray,Haddana Mucaawino ugu daray Soomaaliya,waakii shalay ka sheekaynayay Cabdi Gaaska puntland Maamulaa”.

Waxa kale oo uu yidhi“Markii kacaankii Siyaad Barre dalka ka jiray,mutacalimiintayadii iyo dadkayagu halkaanu ku baxsanay waxay ahayd Imaaraatka oo illaa Sheekh Saayid la shaqaynayay,oo Wasaarad Kasta la shaqaynayay,ee edebta lahaa,ee wanaagga badan iyo walaalnimadda lahaa,inaad nakala soocdaan,oo aad nakala saartaan,anigu Somaliland ayaanu nahay,dhibaatada iyo foolxumada ay gaysteen,nagana wakiilna maaha,dadka Soomaaliyeed Raali ayay idinka yihiin.

Dadka iyagoon dawlad ahayn,aad waxaasi oo lacag ah siiseen,Waxaasi oo tababar ah siiseen,maanta taasi idiinku abaal gudayna waanu ka xunahay,Ceebtaasina waa Ceeb ku kooban Madaxda iyo siyaasiinta maanta ka talinaysa Soomaaliya,ama Garowe hanoqoto ama Muqdisho,Way isk xidhan yihiin,Laakiin kuma jirno anagu”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo dareenkiisa ka dhiibtay khilaafka culus ee soo kala dhex galay Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Daawo

 

COMMENTS
Latest News