Haqabtirenews.com
Wasiirka Horumarinta Maaliyada Oo Magacaabay Gudiga Dardargalinta Dakhliga
April 15, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu soo saaray wareegto uu ku magcaabay Guddida Dardargalinta Dakhliga.

Waxa ay wareegtadu u dhignayd sidan:

Jamhuuriyadda Somaliland

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Xafiiska Wasiirka

WM/02/08-01/607/2018

Ku: Wasiir-ku-xigeenka W/H/Maaliyadda
Ku: Xisaabiyaha Guud ee Dawladda
Ku: Agaasimaaha Waaxda miisaaniyadda
Ku: Agaasimaaha Waaxda Qorshaynta
Ku: Agaasime ku xigeenka Waaxda Kastamka
Ku: Agaasime ku xigeenka Waaxda Cashuuraha Berriga
Ku: Agaasime ku xigeenka Waaxda Maamulka
Ku: Madaxa Dakhli-kordhinta W/Kastamka
Ku: Madaxa Xidhidhka Dadweynaha
Og: Agaasimaha Guud ee W/H/Maaliyadda

Ujeeddo: Magcaabista Guddida Dardargalinta Dakhliga

Laga bilaabo maanta waxa la idiin magcaabay Guddida Dardargalinta Dakhliga, idinka oo subax kasta shiri doona dajinna doona hawlihiinna maalinlaha ah ee ku saabsan sidii dakhliga kor loogu qaadi lahaa.

Maadaama miisaaniyaddii 2018 ka la ansixiyay, waxa la inooga baahanyahay gunti-giijis iyo sidii loo soo saari lahaa ku-tala-galka dakhliga 2018 ka.

Sidaa awgeed, waxaan mar labaad idinku wargalinayaa in aad hawshaas si degdeg ah uga hawl gashaan, waxaana guddidan madaxa bannaan madax u noqon doona wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Daahir Axmed.

Allaa Mahad Leh

Yuusuf Maxamed Cabdi
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

COMMENTS
Latest News