Haqabtirenews.com
Kullankii Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Maanta Lagu Waday In Uu Qabsoomo Oo Baaqday + Sababta
April 11, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Muqdisho:-(HTN) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  uu hadda baaqday kullankii ay lahaayeen xildhibaanada baarlaamka Soomaaliya oo maanta loo ballansanaa kedib markii guddoomiyihii golahaasi uu shalay si toos ah ugu dhawaaqey in uu is casilay.

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in guddoomiye ku xigeenka aqalkaasi Muudey uu u direy xildhibaanada golaha shacabka isagoo ku war geliyey in uu baaqday kullankoodii maanta ay iskugu iman lahaayeen.

 

Ex guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la filaayey in uu maanta khudbadiisii ka tegitaanka xilka guddoomiyenimo.

Jawaari ayaa is casilay kadib markii xiisado siyaasaddeed oo xooggan ay ka dhex qarxeen golaha uu hoggaamiye iyo raysal wasaare Khayre.

COMMENTS
Latest News