Haqabtirenews.com
Shirkadda DP World Oo Mar Kale Dawalada Jabuuti Uga Digtay Inay Shirkad Kale Ku Wareejiso Dakadda Dooraale
April 10, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Dubai:-(HTN) Sharikadda Maamusha Dekadaha ee DP World ayaa uga digtay Dowladda Jabuuti in Dekadda Dooraale ay ku wareejiso sharikad kale inta uu shaqeynayo heshiiska ay DP World iyo Dowladda Jabuuti wada-galeen.

Warbixin ay soo saartay sharikadda ayey ku sheegtay in haddii tallaabadaas ay ku dhaqaaqdo Dowladda Jabuuti ay iyaduna xaq u leedahay in ay dacweyso islamarkaana sheegto bur bur hantiyadeed in loo geystay.

Waxaa Warbixinta ka soo baxday DPWorld lagu sheegay in iyada oo kaashaneysa hay’adda dhinaca Sharciga ee DCT, ay dacwad ka dhan ah Dowladda Jabuuti ka furayaan Magaalada London ee caasimadda Dalka Ingiriiska.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in sharikadda PIL oo laga leeyahay dalka Singapore ay heshiis kula gaadhay maamulka Dekadda Dooraale kaddib markii bishii hore ay jebisay heshiiska DPWorld ay ku maamuleysay dekaddaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa DP World ku eedeysay in ay la wareegtay qeybta go’aan gaadhista Dekadda Dooraale iyada oo leh saami la eg 33%,halka ay 66% leedahay Dowladda Jabuuti, taasina aysan sharci ahayn.

COMMENTS
Latest News