Haqabtirenews.com
Saraakiisha Hay’adda Danbi-baadhista FBI-da Oo Baadhay Xafiiska Qareenka Donald Trump
April 10, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Washington:-(HTN) Saraakiisha Hay’ada danbi baarista FBI-da ayaa baaritaan kadis ah ku sameeyey xafiiska Qareenka Khaaska ah ee Madaxweynaha Donald Trump oo lagu magacaabo Michael Cohen.


FBI-da ayaa xiligan baaritaan ku wada Donald Trump iyo farogelinta shisheeye ee lagu sameeyey doorashadii Madaxweynaha Maraykanka ee 2016.
Trump ayaa si weyn uga carooday baaritaankan lagu sameeyey xafiiska Qareenkiisa, isagoo sheegay in FBI-da ay wadato qorshe qarsoodi ah oo lid ku ah maamulkiisa, isagoo markale ku celiyey inaysan waxna ka jirin eedeynta ah inuu xiriir qarsoodi ah la lahaa Dowlada Ruushka oo la sheegay inay farogelin ku sameysay doorashadii Maraykanka ee uu Trump ku guuleystay.
Qareen Michael Cohen ayaa muddo dheer la shaqeenayey Trump kahor intuusan xilka Madaxweynaha ku guuleysan, Qareenkan ayaa sidoo kale u fududeeyey Trump hawlaha qarsoodiga u ah sida lacago badan ee uu Trump siiyey haweenay sameyn jirtay filimaanta anshaxumada ah oo uu xiriir la lahaan jiray.
Qareenkan ayaa la sheegay inuu lacag gaareysa 130.000 dollar uu siiyey haweenaydaasi oo lagu magacaabo Stormy Daniels labo todobaad kahor xiligii doorashadii Maraykanka, si aysan u sheegin xiriirkii ay lalaheyd Trump.
Hase yeeshee Trump ayaa beeniyey inuu wax lacag ah siiyey haweenaydaasi oo iyadu ku doodeysa inay cadeyn u heyso xiriirkii ay lalaheyd Trump, fadeexadan oo todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn looga hadal hayey dalka Maraykanka.
Baaritaanka FBI-da ku galeen xafiiska Qareenka Trump ayaa laga yaabaa inay banaanka keento arrimo kale oo sir u ahaa Trump maadaama Qareenkiisan uu ahaa nin wax badan kala socda hawlaha u qarsoon Donald Trump.

COMMENTS
Latest News