Haqabtirenews.com
Madaxwayne Biixi Oo La Filaayo In Uu Xilka Qaado Wasiir Ka Tirsan Xukuumadiisa Oo Saluug Badan Laga Muujiyay
April 10, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane MuuseBiixi Cabdi ayaa la filayaa in uu xilka wasiir-nimo ka qaado wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Xasan.

Madaxtooyadda somaliland ayaa maalmahii ugu dambeeyay waxaa ay ku hawlanayd sidda xoggo hoose noo xaqiijiyeen in xilka wasiir-nimo laga wareejiyo wasiirkaasi.

wasiirka maaliyada ayaa tan iyo intii ka dambeysay magacaabistiisa waxaa soo baxayay cabashooyin badan oo ay ka gudbiyeen bulshadda qaybaheeda kala duwan waxaa ilaa shalay Madaxtooyada ku qulqulayay ganacsato badan oo ka biyo diidsan nidaamka uu wasiirkani wax u waddo.

Dhinaca kale wasiirka Maaliyadda ayaa si naxariis darro ah ugu kordhiyay cashuurta badeecadaha kala duwan ee dalka ka soo daga xilli dalka sixir barar ka jiro.

Lama oga cidda lagu badalayo wasiirkan iyo in boos kale loo badali doono balse warar xoogan ayaa sheegaya in seefta muuse biixi ay dul saaran tahay wasiirkan maaliyada Somaliland.

COMMENTS
Latest News