Haqabtirenews.com
Kuuriyada Waqooyi Oo Aqbashay Shardi Uu Maraykanku Ku Xidhay.
April 9, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Pyongyang:-(HTN) Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay aqbashay dalabkii maamulka Trump ee ahaa in hub ka dhigista nukliyeerka ah ee Kuuriyada Woqooyi lagu daro ajendaha ay ka wada hadli doonaan hogaamiyeyaasha labada dal marka ay kulmaan.

Pyongyang ayaa arintaa hore ugu xajiiqisay wadahadallo gogol xaadh ah oo ay la yeelatay Kuuriyada Koonfureed, hase yeeshee waa markii u horraysay ee ay ballankaa u qaaday saraakiil Maraykan ah oo ay kuweeda xidhiidh yeesheen.

U diyaargarowga kulan madaxeedka hogaamiyeyaasha labada Kuuriya iyo Maraykanka ayaa haatan socda.

Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi,Kim Jong-un, ayaa ay suurto gal tahay in uu isna la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, dabayaaqada bishan.

COMMENTS
Latest News