Haqabtirenews.com
Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Hortiisa Ku Dhaariyey Mas’uul Ka Tirsan Xukuumadda
April 9, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa maanta hortiisa lagu dhaariyey Hanti-dhawraha guud ee Qaranka, Mudane Axmed Yuusuf Dirir, iyadoo uu dhaariyey guddoomiye ku xigeenka, ahna ku-simaha guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland, Garyaqaan Maxamed Cumar Geelle.

Hanti-dhawrka guud oo ay shalay ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa lagu dhaariyey si uu u guto waajibaadkiisa shaqo, madaama oo uu ka gudbay shuruudihii looga baahnaa ee dastuuriga ahaa.

COMMENTS
Latest News