Haqabtirenews.com
Wasiirka Waxbarashada Sucuudiga Dr. Axmed Ciisa Oo Baraha Bulshada Si Adag Loogu Dhaliilay
April 8, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Riyadh:-(HTN) Dr. Axmed Ciisa oo ah wasiirka wasaaradda waxbarashada Sucuudiga ayaa maalmihii ugu danbeyey lagu dhalliilaayay baraha kala duwan ee ay bulshadu ku kullanto.

Wasiirka ayaa lagu dhaliilay kadib markii qoraalada uu baraha bulshada soo dhigo ay khaladaadkoodu bateen.

Macallin Sucuudiyaan ah oo la yiraahdo Cabdi al-Khaaliq al-Zahraani ayaa khaladaad luqadeed kasoo saaray farrriin uu Wasiirku ku soo qoray bartiisa Twitter-ka oo dood badan dhalisay, macallinku sidii imtixaan oo kale ayuu qoraalkiisa u saxay, waxa aanuu siiyay wasiirka 3/10.

Dr. Ciisa ayaa Jimcihii farriin ku daabacay bartiisa Twitter-ka oo uu kaga hadlayay kaalinta Dhaxal-sugaha Koowaad ee Sucuudiga “Maxamed Bin Salman” uu kaga jiro horumarinta Waxbarashada Sucuudiga, waxa uu tilmaamay in Waxbarashada Sucuudiga ay ku socoto in ay ka mid noqoto Waxbarashada ugu wanaagsan adduunka.

Wasiirka ayaa si aad ah loogu dhaliilay Baraha-bulshada, iyadoo dadka qaar ay tilmaamayeen inaaney wasiirka ku habbooneyn in khaladaad noocaas oo kale ah oo dhanka qoraalka ah uu ku dhaco.

 

بوغانم@hassanalishaq73

اذا..كان هذا املاء وزير التربيه والتعليم السعودي..!!
فكيف تتفائلون بأنه يستطيع حل مشكلة
مرض الجرب..!!

واحد كرك مع هيل ياموديير..!!

 

Qoraalka wasiirka wasaaradda waxbarashada Sucuudiga

COMMENTS
Latest News