Haqabtirenews.com
Wada-hadalladii Biyaha Wabiga Nile Ee Masar, Itoobiya Iyo Sudan Oo Burburay!
April 7, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Qaahira:-(HTN) Waxaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday wadahadalkii ugu danbeeyey ee lagu doonayey in ay heshiis ku gaaraan dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan oo isku heysta qeybsiga biyaha wabiga Nile iyo dhismaha Biyo Xidheenka Itoobiya wado.

Shirkii ugu danbeeyey oo ay Khamiistii shalay magaalada Khartuum isugu yimaadeen wafuuda sadexda dal ayaa socday 17 saacadood balse kusoo dhamaaday fashil iyo muran.

Dowlada Sudan oo dhigtay madasha wadahadalka ayaa xaqiijisay saaka oo Jimce ah in shirkii xalay uu kusoo dhamaaday is afgaran-waa.

Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Taliyayaasha sirdoonka & amniga sadexda wadan ayaa ka qeyb galay kulankii xalay oo yimid kadib markii dowlada Masar ay dood horleh ka keentay biyo-xireenka ay dowlada Itoobiya dhiseyso.

Mr. Ibrahim Ghandour oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Sudan oo saxaafada kula hadlay hotelka shirka dhacay ayaa sheegay in uu xaqiijin karo oo kaliya in shirka burburay, isagoo sheegay in murranka ugu weyn uu ka taagnaa arrimaha farsamo ee la xariira qaabka loo maareenayo biyo-xireenka Itoobiya oo ay dowlada Masar ka cabsi qabto inuu halis geliyo biyaha ay ku nool yihiin shacabkooda.

Dowlada Sudan oo iyadu lafteedu horey walaac uga muujineysay in biyo-xireenka hoos u dhigo biyaha soo gaara ayaa hada u muuqata inay heshiis la gaartay Itoobiya, balse dalka Masar ayaa weli aaminsan in biyo-xireenka uu burbur xoogleh ku keeni doono Beerahooda iyo biyaha ay cabaan shacabkooda oo ku nool wabiga Nile.

Masar ayaa sheegtay inay iyadu xaq u leedahay inay awooda VETO ku diido wax walba oo caqabad ku keeni kara biyaha Nile ee wadankeeda soo gaara, halka Itoobiya ay sheegtay inay dhameystiri doonto biyo-xireenka oo heer gebo gebo ah maraya.

Masharuucan biyo xireenka Grand Renaissance Dam oo dhismihiisii lasoo bilaabay sanadkii 2012 ayaa ah mid uu ku baxayo lacag ka badan 4 bilyan oo dollar, wuxuuna kamid yahay mashariicda ugu weyn ee xiligan ka socda qaarada Afrika.

Wasiirada Itoobiya iyo Masar ayaa iyagu diiday inay saxaafada la hadlaan kadib markii laga soo baxay shirkaasi.

Xiisada ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ayaa laga baqayaa iney noqoto mid keenta dagaalkii ugu horeeyey oo qaarada Afrika ka dhaca oo la xariira isticmaalka biyaha taasi oo ay horey marar badan uga digeen khubarada siyaasada falanqeeya.

COMMENTS
Latest News