Haqabtirenews.com
SPORTS:-Canshuur Ciqaabeedka Cristiano Ronaldo Oo La Dhimi Doono Hadii Uu Aqbalo Xukun Xabsi Ah – Wargeyska El Mundo.
April 7, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hay’adda canshuuraha dalka Spain ayaa quuldareyneysa iney isaga baxdo mid ka mid ah kiisaska dhaqaale ee la xiriira dambiyada lagu soo eedeeyay weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo sida uu qoray wargeyska El Mundo.

Hantidhawrka ayaa ku waramaya in dooq loo heli karo masixitaanka mid ka mid ah kiisaska dambiyada iyadoo ciqaabta laga dhimi doono maadama xidigaan lagu eedeyay inuu lunsaday canshuur la xiriirta xuquuqda sawiradiisa, balse waa inuu aqbalo xidigaan xukun xabsi ah.

Cristiano Ronaldo waa 33-jir ah waxaa looga baahan yahay inuu aqbalo xukun xabsi ah sidoo kalana uu bixiyo aduun dhan 10 Malyan oo Euro sida uu wargeyska shaaca ka qaaday balse aan wali qolyaha ay khuseyso laga maqlin.

Hal xaalad ayaa suuragal ah sida uu wargeyska sheegay, in kiiska la laabi doono hadii Ronaldo uu aqbalo sadex dambi oo canshuur ah taasoo xadigeedu uu yahay 6.25 Malyan oo Euro.

Ganaaxa xidigaan wuxuu isku tagi doonaa 10 Malyan oo Euro, balse sidoo kale waxaa lasoo warinayaa in 20 Malyan oo dheeraad ah laga qaadi doono taasoo culeys badan ku noqon karta xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal.

COMMENTS
Latest News