Haqabtirenews.com
Madaxwaynihii Hore ee Kuuriyada Koonfureed oo Wajahaysa 18 Dacwadood oo Musuq La Xidhiidha.
April 6, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Korea:-(HTN) Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye ayaa lagu helay dambi ah in ay ku takrifashay awoodda iyo dambiyo kale, waxaana xukunka maxkamada si toos ah looga baahiyay warbaahinta.

Waxay wajahaysaa 18 dacwo oo wax isdabomarin ah, go’aanka maxkamadda ayaa wali socda xukunka kama dambaysta ahna waxaa la filayaa saacado ka dib.

Fadeexadda soo wajahday madaxweynihii hore ayaa ruxday Kuuriyada Koonfureed, waxayna hurisay caro ka dhan ah siyaasiyiinta iyo ganacsatada caanka ah.

 

Park ayaa diiday in ay wax khalad ah gaysatay, balse waxay wajahaysaa 30 sano oo xabsi ah iyo lacag ganaax ah oo badan.

Madaxweynihii hore ma aysan soo xaadirin maxkamadda marka ay jeedinaysay go’aanka.

Maxkamadda ayay isaga joogtay waxayna ku eedaysay in ay ka xaglinayso.

Xukunka maxkamadda ayaa si toos ah loo baahiyay Jimcihii, arrintaas oo ahayd mid aan horay loo filaynin ayaa dhalisay xiiso badan oo ay dadku muujiyeen si ay ula socdaan.

COMMENTS
Latest News