Haqabtirenews.com
Madaxwaynihii Hore ee Dalka Brazil Oo Uu Maanta U Bilaabanayo Xabsi 12 Sano Ah Oo Lagu Xukumay.
April 6, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Rio:-(HTN) Madaxweynihii hore ee dalkaas Luiz Inácio Lula da Silva lagu amray inuu booliiska isu dhiibo galinka dambe ee Jimcaha maanta si uu u billaabo 12 sano oo xabsi ah oo uu ku mutaystay musuqmaasuq lagu helay.

Khamiistii ayay maxkamadda ugu saraysa dalka Brazil diiday dalab uu soo gudbistay oo ahaa in uu xor sii ahaado inta uu racfaanka ka qaadanayo xukunka lagu riday.

Former Brazilian president Luiz Inacio Lula da Silva reacts as he attends a meeting with members of the Workers Party (PT), that decided Lula da Silva will be its candidate again in the 2018 election, despite losing an appeal against a corruption conviction that will likely bar him, in Sao Paulo, Brazil, January 25, 2018. REUTERS/Leonardo Benassatto NO RESALES. NO ARCHIVES

Lula wuxuu sheegay in xukunka lagu riday uu yahay mid siyaasadaysan loona qaabeeyay in lagaga hor istaago inuu doorashada madaxweynaha u tartamo bisha Oktoobar.

Garsoore Sergio Moro oo heer faderaal ah ayaa sheegay in ay waajib tahay in uu xabsiga isgeeyo inta ka horraysa 5:00 galabnimo ee xiliga Brazil oo u dhiganta 11:00 ee saacadda geeska Afrika.

Moro wuxuu sheegay in loo sii diyaariyay “Xabsi khaas ah” kaasoo ka sooci doona maxaabiista kale, si loo ilaaliyo in aan wax loogu dhimin jirkiisa iyo maskaxdiisa.

Marka uu hadalkaas ku dhawaaqay garsooruhu boqolaal ruux oo taageera Lula ayaa mudaaharaad ka dhigay magaalada São Paulo.

COMMENTS
Latest News