Haqabtirenews.com
Jacob Zuma Oo Loo Haysto Musuq Maasuq uu Sameeyey 1990.
April 6, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Cape Town:-(HTN) Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa maanta la soo taagay maxkamada ku taalla magaalada Durban isaga oo loo haysto dacwado la xidhiidha musuqmaasuq oo ku saabsan heshiis dhanka hubka ah oo la saxiixay 1990.

Dhagaysiga maxkamadda oo soctay muddo kooban ayaa garsooraha waxa uu sheegay in kiiska dib loo dhigay ilaa 8 bisha June.

Dacwadahani ayaa galaaftay madaxwaynanimadiisii balse dib loo soo celiyay 2016.

Waxa uu wajahayaa 16 dacwadood oo la xidhiidha falal musuqmaasuq sida wax isdabamarin dhanka heshiisyada ah, khiyaano iyo in uu lacago u kala gudbiyay si sharci daro ah.

Mr Zuma,oo bishii February,lagu qasbay in uu xilka ka dago ayaa beeniyay in uu wax qalad ah galay.

Zuma oo 75 jir ah ayaa maanta oo Jimca ah hortagay maxkamada isaga oo dhoola cadeynaya islamarkana gacanta u haadinaya taageerayaashiisa, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

Wariyaha BBC Andrew Harding ayaa sheegay in madaxwaynihii hore uu maxkamada qudhiisa soo istaago isaga oo loo haysto falal musuqmaasuq ay tahay “mid aad u wayn ” dimuqraadiyada hanaqaadaysa ee Koonfur Afrika.

Dad badan ayaa u arka sida uu wariyuhu sheegay in uu dhamaaday waqtigii isla xisaabtamid la’aanta.

Mr Zuma iyo kooxdiisa dhanka sharciga ayaa ku adkaysanaya in dacwadahani ay yihiin kuwa la siyaasadeeyay.

 

Muxuu ahaa heshiiska Hubka?

Mr Zuma waxa uu ahaa madaxwayna ku xigeen markii la galayay heshiiska hubka oo imika laga joogo muddo toboneeyo sano ah.

Waxa lagu eedeeyay in uu laaluush ka qaatay shirkad Faransiis ah o hubka iibisa oo lagu magacaabo Thales via isaga oo u sii maraya la taliyihiisa dhanka dhaqaalaha ee xilligaasi.

La taliyihiisii hore , Schabir Shaikh, ayaa lagu helay dambi ah in uu isku dayayay in uu laaluush qaatay waxaana xabsiga la dhigay 2005.

Kiiskan ka dhanka ah Mr Zuma ayaa daaqadda laga tuuray wax yar uun ka hor inta uusan madaxwaynanimada u tartamin 2009.

Hogaamiyayaasha kale ee Afrika ee maxkamad la soo taagay.

Charles Taylor – madaxwaynihii hore ee Liberia waxaa la soo taagay maxkamad gaar ah isaga oo lagu soo oogay dacwad ah dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadnaha.

Hissene Habre – madaxwaynihii hore ee Chad (dambiyo ka dhan ah aadanaha)

Tamrat Layne : Raisul wasaarihii hore ee Itoobiya (waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira musuqmaasuq)

Laurent Gbagbo – madaxwaynihii hore ee Ivory Coast (maxkamadda ICC,ayaa la soo taagay ka dib rabshadihii doorashada ka dambeeyay.

Hosni Mubarak – madaxwaynhii hore ee dalka Masar (waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriiray xasuuq , musuqmaasuq iyo wax isdabamarin)

Pasteur Bizimungu – Rwanda (waxaa lagu soo oogay dacwad ahayd kicin dad wayne , naceyb iyo wax isdabamarin)

Frederick Chiluba: Zambia (waxaa lagu soo oogay dacwad ahayd musuqmaasuq iyo xatooyo).

COMMENTS
Latest News