Haqabtirenews.com
Cristiano Ronaldo Oo Tababarkii Ka Horeeyay Kulanka Juventus Si Dhoolatus Ah U Dhaliyay Goolkii Xalay Ee Qalaama-Rogaalka. + SAWIRRO
April 4, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa xalay dhaliyay gool qalaama-rogaal ah oo aad u qurux badan kulankii ay 3-0 ku dileen Juventus lugta hore wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.

Kaliya hadal heynta ugu weyn waxey noqotay goolka cajiibka ah, balse sawiro laga helay kooxda ayaa muujinaya in Ronaldo intii uu ku jiray tababarka ka horeeya kulanka Juventus uu gool nuucaas oo kale ah xerada tababarka ku dhaliyay taasoo ka dhigan inuu ciyaartoyda kooxda dhoolatus ahaan ku tusay ka hor inta uusan ka dhabta ah shabqaqa dhex dhigin.

Tababarkii ugu dambeeyay ee ay kooxda ku sameysay Isniintii ayuu xidiga reer Portugal ku sameeyay ficil la mid ah midkii uu garoonka gudahiisa xalay ku sameeyay, qof walba maa aamini karo sida ay labada dhacdo isku leeyahiin – waxaana muuqaneysa sida uu 33-jirka Los Blancos dadaalka badan u bixinayo.

Goolkaas wuxuu ahaa midkii labaad ee Real Madrid ay ka dhaliso kulanka, waxaana ku xigay gool uu dhaliyay daafaca reer Brazil Marcelo kaas oo isna Ronaldo uu caawinaad ka geystay.

Dhanka kale Zidane wuxuu amaanay jamaahiirta Juventus iyo sida ay u yahiin dad wax badan ka fahamsan kubadda cagta.

Haqabtirenews/Burco/Office

COMMENTS
Latest News