Haqabtirenews.com
Xiisadda Ruushka Iyo Ingiriiska Oo Saameysay Duulimaadyadda Labada Dal
March 31, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

London:-(HTN) Ruushka ayaa ka dalbaday saraakiisha kastamka Britain inay sharaxaad ka bixiyaan diyaarad Ruushku leeyahay oo ay ku baareen garoonka diyaaradaha ee London Heathrow, iyaga oo ku tilmaamay inay tahay arrintaasi daandaansi cad.

Safaarada Ruushka ee London ayaa sheegeysa in saraakiisha UK ay isku dayeen baaritaanka diyaaraddan iyada oo howlwadeenadii diyaarada aysan joogin.

Kaddib wadahadallo labadda dhinac ah ayaa loo ogolaaday duuliyihii diyaaradda inuu goobjoog ka ahaado baaritaanka.

Kolsii horeysay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa waxa ay u yeertay ergada dhowr dal oo reer Galbeed ah kuwaas oo soo eryay diblumaasiyiin u dhalatay waddankeeda.

Mareykanka ayaa sheegay inay suuragal tahay inuu qaado tallaabooyin kale oo dheeraad ah kaddib markii Ruushka uu eryay 60 diblumaasi oo u dhalatay waddankaasi.

Tallaabada Moscow ayaa ah middii ugu dambeysay ee ay kaga jawaabayso ergadeeda la soo eryay.

Arrintan ayaa ka dhalatay iskuday dilkii oo bilowgii bishan gudaha Britian loogu gaystay Sergei Skripal, oo horay ugu soo shaqeeyay sirdoonnada Ruushka iyo Britain iyo gabadhiisa.

Ruushka ayaa iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay arrintaasi.

COMMENTS
Latest News