Haqabtirenews.com
Magacyada Garsooreyaasha Afrika Ku Metalaya Dhexdhexaadinta Koobka Aduunka
March 31, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Nigeria:-(HTN) Waxa la soo saaray liiska Lix garsoore oo ka mid noqon doona garsooreyaasha dhexdhexaadinaya kulamada koobka aduunka, kuwaas oo dhamaantoodba ka soo Jeeda Qaarada Afrika.


sidoo kale liiskan ayaanay ku jirin wadamo badan oo qaarada afrika kubada cagta caan ku ah, kuwaas oo ay ugu horeeyaan Nigeria, Ghana iyo Cameroon.
hadaba liiskan ayaa u dhignaa sidan Mehdi Abid oo u dhashay Algeria, Malang Diedhiou oo ah reer Senegal, Bakary Papa Gassama oo ka yimid Gambia, Gehad Grisha oo ka soo jeeda Masar, Janny Sikazwe Oo isna u dhashay Zambia iyo ugu danbayn Garsooreha Ethiopian Bamlak Tessema Weyesa.
dhinaca kale wadamada Reer yurub ee iyagana garsooreyaasha dhexdhexaadin doona koobka aduunka ee ka furmi doona dalka Ruushka ayaa waxa ka mid ah Germany, Turkey, Russia, the Netherlands, Poland, Spain, Serbia, Italy, Slovenia and France.
Dalka Ingiriiska ayaan isna sanadkan lagaga darin liiska garsooreyaasha dhexdhexaadin doona Koobka aduunka.
Waxa ay noqonaysaa markii ugu horeysay ee dalkaasi Ay Fifa Ka Reebto marka laga soo bilaabo sanadkii 1939-kii, ilaa wakhtigaasi marnaba kamay hadhin dhexdhexaadinta koobka aduunka.
sidoo kale wadamada Qaarada Asia ayaa iyagana la soo xulayaa Lix gasoore, halka wadamada Latin America iyana loo qoondeeyay in laga soo xulo lix Garsoore.
Qaarada Oceania Ayaa iyadana loo qoondeeyay in ay ka yimaadaan Laba Garsoore oo keli ahi.

 

COMMENTS
Latest News