Haqabtirenews.com
Kulan Lagaga Hadlayay Xorriyada Saxaafadda, Xuquuqda Haweenka Iyo Dadka La Takooro Oo Lagu Qabtay Hargeysa
March 30, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargaysa:-(HTN) Kulan ballaadhan oo lagaga hadlay xorriyada saxaafadda, xuquuqda haweenka iyo dadka la takooro ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Kulan oo ay soo qabanqaabiyeen xarunta xuquuqal insaanka ee Somaliland iyo guddiga xuquuqal insaanka iyo caddaalada ee golaha wakiillada oo ay ka soo qayb-galeen xildhibbaano ka tirsan baarlamaan, agaasimaha guud ee wasaaradda caddaalada iyo madax kale duwan oo ka socota ururo caalami ah iyo kuwo maxali ah.


Guddoomiyaha xarunta xuquuqal Insaanka madax-bannaan ee Hargeysa Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka hadlay madasha ayaa yidhi “kulankani waxa uu ku saabsan yahay wadashaqayn dhaw oo guddiga xuquuqal Insaanka caddaalada iyo sharciga amma dastuurka ee goalaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland uu la leeyahay bulshada rayidka ah iyo ururada xuquuqal insaanka oo baryahan dambe wakhti badan galiya in uu arrimaha khuseeya xuquuqal insaanka ka hadlo, ka doodo wixii uu ka qaban karana ka qabta dhagaystaana ururadda bulshada rayidka ah waxyaabaha ay ka cabanayaan iyo tallooyinka ay hayaan shalay (doraad) oo kale waxa ay guddigu ka hadlaysay xeerkii booliska oo ay golaha dhexdiisa ku qabatay sidii uu dhaqan gali lahaa tanina waa qayb kale oo taa ka mid ah oo aanu kala shaqaynaynay golaha, ujeedaduna waa xidhiidhka ka dhexeeya bulshada iyo xubnaha golaha wakiillada in la kobciyo si farriimaha aynu qabno xubnaha golaha wakiillada ee aynu dooranay u qaadaan oo ay ugu rogi karaan wax la taaban karo oo wax laga qaban karo” ayuu yidhi Guddoomiyaha xarunta xuquuqal Insaanka madax-bannaan ee Hargeysa Garyaqaan Guuleed Dafac.
Xildhibbaan Maxamuud Jaamac oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada ayaa ka hadlay ahmiyada kulan iyo doorka haweenka siyaasadda dalka waxaanu yidhi “kulankan ku saabsan saxaafadda, haweenka iyo dadka iyo dadka la takooro runtii annagu haddii aanu nahay guddiga caddaalada, xuquuqal insaanka iyo shuruucda kolay dastuurku aad ayuu uga hadlaa nin kasta oo muwaadin ahi markaa muwaadiniintaasi ayuunbay ka mid yihiin haweenku dee waxa aan odhan lahaa haweenow idinka ayaaba ugu badan bulshadee maxaad u soo dooran laadihiin dumar oo inta aad u codaysaan aad u soo saari laadihiin ee raggaba waakan isa soo saarayee, in aad awoodda saartaan oo culays badan xukuumadda iyo hay’addaha xeer-dejinta in si gaar ah loo eego dadka dadka laga tarada badan yahay ee cod ku soo bixi karayn codka” ayuu yidhi Xildhibbaan Maxamuud Jaamac.
Agaasimah guud ee wasaaradda caddaalada Somaliland Jaamac Maxamed ayaa yidhi “aan wada-hadlo waa aan heshiin ayay Somalidu ku maahmaahdaa, saddexdan qodob ee uu maanta halkan soo dhigay mar haddii xeerarkii, dastuurkeenii iyo diinteenuba aanay kooto ku xidhin haweenka iyaga laftoodu waa in aanay odhan kooto uun ha la noo xidho, annagu waxa aan qabaa in hablo badani haddii ay ku dhiiradaan inay ragg badan ka awood badnaan lahayeen” ayuu Agaasimah guud ee wasaaradda caddaalada Somaliland.

COMMENTS
Latest News