Haqabtirenews.com
Dibadbaxyo Culculus Oo Lagu Wado In Ay Maanta Ka Dhacaan Qaza
March 30, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Gaza:-(HTN) Militariga Israa’iil ayaa lagu waramayaa in la soo dhoobey xudduuda magaaladda Qaza ka hor dibadbaxyo is xig-xiga oo la qorshaynayo in halkaasi ay maanta ka dhacaan.

Dibadbaxyadani ayaa waxaa ku baaqay kooxda ee Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta oo si weyn uga soo horjeeda faragalinta Qaza ee Israa’iil.

Qaban-qaabiyayaasha dibadbaxyadani ayaa u asteeyay in ay ka dhacaan 5 goobood oo u dhaw xudduuda.

Dibadbaxani ayaa waxaa loogu magacdaray dibadbixii waynaa ee soo laabashada. Wararka ayaa sheegaya in hal nin oo beeraley ah la dilay mid kalana lagu dhaawacay risaas ay xalay fureen askarta Israa’iil. Dibadbaxa maanta ayaa waxa lagu xusayaa dilkii 6 qof oo ahaa dibadbaxayaal aan hubaysnayn oo la dilay 1976.

Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa waxay sheegeen in dibadbaxyadani ay noqon doonaan kuwa si nabad ah ku dhaca.

Balse saraakiisha Israa’iil ayaa sheegaya in ay rumaysnayihiin in Xamas ays doonayan dibadbax rabshado wadan.

COMMENTS
Latest News