Haqabtirenews.com
Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Dacwadii Soomaaliya Ka Gudbisay Heshiisyada Berbera Ee Imaaraadka Carabta
March 29, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

New York:-(HTN) Warbaahinta Inner City Press ayaa Qaramada Midoobay waydiisay mawqifkeeda dacwadda ka dhanka ah heshiisyada Somaliland iyo Imaaraadka ee Soomaaliya u gudbisay golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Salaasadii. Qaramada Midoobay ayaa ashkatada Soomaaliya u aragta khilaaf laba geesood ah oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka una baahan in lagu xalliyo hannaan wada hadal oo dhexmara Muqdisho iyo Abu Dubai.

Ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq waxa uu sheegay in khilaafka u dhexeeya UAE iyo Soomaaliya u baahan yahay in lagu xalliyo wada hadal labada dal dhexmara “Waa khilaaf u baahan in lagu xalliyo hannaan laba geesood ah oo dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta,” Sidaas ayuu sheegay afhayeenka u hadlay Qaramada Midoobay sheegay Arbacadii shalay.

Soomaaliya ayaa fadhi golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay lahaa Salaasadii ka sheegtay in uu sharci darro yahay heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka siiba Saldhigga Militari ee Berbera laga siiyay Imaaraadka. Wakiilka UN-ta u jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale eedeeyay wakiilka Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya Michael Keating oo uu ku eedeeyay in uu shirarka caalamiga ah ka sheego warar ku saabsan xumaha Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News