Haqabtirenews.com
Kenya Oo Mar Kale Masaafurisay Siyaasi Caan Ah Oo Ka Tirsan Mucaaridka
March 29, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Nairobi:-(HTN) Miguna Miguna oo ka tirsan mucaaradka Kenya ayaa markale dalka laga masaafuriyay iyada oo uu muran ka taagan yahay dhalashadiisa.

Masaafurintaas ayaana timid iyadoo la iska dhago tiray amarro ay maxkamado soo saareen.

Galinkii hore Arbacadii maxkamad ayaa masuuliyiin sare oo Kenyan ah u qabsatay in ay diideen amar maxkamadeed oo ahaa in la sii daayo Miguna.

Qareenka Miguna ayaa xaqiijiyay in uu dalka ka baxay isaga oo raacay diyaaradda Emirates oo Nairobi ka duulaysay, halkaas oo uu ku xirnaa tan iyo Isniintii.

Waxaa la rumaysan yahay in uu Dubay u duulay.

Ninkan mucaaradka ah ee aan hadalka la gaban ayaa la xiray ka dib markii uu damcay in uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo Canada ka yimid, halkaas oo loo masaafuriyay bishii hore.

George Odunga oo garsoore ka ah maxkamadda sare ee Kenya ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha booliiska iyo madax waaxda socdaalka in ay amardiido maxkamadeed samayn doonaan haddii aysan xabsiga ka sii daynin Miguna.

Masuuliyiinta Kenya ayaa horay u masaafuriyay Miguna isaga oo loo haysto dhaartii uu iskii u samaystay Raila isaga oo isku sheegay “madaxweynaha dadka”.

Waxayna sheegeen in Miguna uusan haysanin dhalasho Kenyan ah ee uu yahay muwaadin dhalashada Cakanada haysta.

COMMENTS
Latest News