Haqabtirenews.com
Soomaaliya Oo U Yeedhay Safiirka U Fadhiya Imaaraadka Carabta Iyo Xiisadda U Dhaxaysa Labada Dal Oo Cirka Isku Sii Shareertay
March 27, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Muqdisho:-(HTN) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta u yeedhay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaadi, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay oo diblomaasiyadeed ee ay Sooomaaliya uga jawaabeyso Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa sheegaya in Safiirka Imaaraadka Carabta wax laga weydiiyay arrimaha Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera iyo Heshiiska DP World.

Safiirka ayaa looga yeedhay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka soo saartay u yeedhida Safiirka Imaaraadka Carabta.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, kaddib markii dhowaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen xeer dalka Soomaaliya lagaga mamnuucayo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxaana xeerkan uu sugayaa ansixinta Madaxweyne Farmaajo.

COMMENTS
Latest News