Haqabtirenews.com
Madaxweynihii Hore Ee Dalka Koonfur Afrika Oo La Maxkamadeynayo
March 27, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

South African:-(HTN) Madaxweynihii hore ee dalka South African Jacob Zuma ayaa looga yeeray maxkamad si uu u wajaho 6-da bisha April dacwad isaga ka dhan ah oo la xidhiidha musuqmaasuq.

South African President Jacob Zuma addresses the the nation and press at the government’s Union Buildings in Pretoria, South Africa, Wednesday, Feb. 14, 2018. South African President Jacob Zuma says he has resigned “with immediate effect.” The scandal-tainted leader made the announcement late Wednesday in a televised address to the nation. (AP Photo/Themba Hadebe)

Booliska ayaa sheegay in warqada u yeerista Zuma lasoo saaray Isniinti shalay.

Xafiiska Dacwad-oogayaasha qaran ee South Africa ayaa horraantii bishaan sheegay in ay Jacob zuma kusoo eedeyn doonaan 16 dacwadood oo ay ku jiraan ku-takri-falid awood, musuq-maasuq iyo lacago been abuur.

Dacwadaha ayaa sidoo kale waxaa ku jira heshiisyo dhinaca hubka ah oo uu Zuma ku lug lahaa sanadkihii sagaashamaadkii. Dacwadahani ayaa sannado badan ka hor la tuuray, kadib inta uusan Zuma u ordin xafiiska sanadki 2009-kii.

Zuma ayaa horay u beeniyay eedaha loo soo jeediyay. Qareenada difaacaya ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan eedaha cusub ee lagu soo oogayo madaxweynihi hore ee South Africa.

COMMENTS
Latest News