Haqabtirenews.com
Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Kulan La Qaatay Agaasimaha Hay’adda UNHCR U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya
March 27, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimaha hay’adda UNHCR u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ms. Caroline Van Buren.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka iyo Agaasimuhu ay yeesheen waxa lagaga wada hadlay sidii ay UNHCR gacan uga geysan lahayd arrimaha qaxoontiga iyo Barakacayaasha ku sugan Somaliland, hadday tahay qaxoontiga kasoo baro kacay dalka Yemen iyo hadday tahay dadkii ay ka baxeen xooluhu ee abaartu saamaysay, sidii ay u libin laabi lahaayeen dedaalkii ay awalba la garab joogtay dadkaasi.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku u sheegay weftiga inay qorshahooda ku darsadaan sidii ay dadkaasi ugu samayn lahaayeen xirfado iyo goobo waxbarasho oo ay ku shaqaystaan marka ay ku noqdaan dalkoodii kuwa xooluhu ka baxeenna ay ugu shaqo tegi lahaayeen waxa ay bartaan ee aqoon ama farsamo iyo xirfad la xidhiidha.

Dhinaca weftiga oo ay u hadashay agaasimaha UNHCR Ms. Caroline Van Buren, waxa ay Somaliland ku ammaantay qaabilaadda iyo dedaalka ay gelisay qaxoontigii Yemen, waxaanay sheegtay in dawladnimada iyo nabadgelyada hano qaadday ee Somaliland ka jirtaa sababtay inay qaxooti badani dalka yimaaddaan, taasina ay mid Hay’adda UNHCR iyo beesha caalamkuba ku hambalyeynayso.

Waxaana kulankaasi Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Prof. Maxamed Cali Bile, Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay Maxamed Warsame Ducaale iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha QarankaCabdikariim Axmed Maxamed.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
Latest News