Haqabtirenews.com
Shir Magaalada Kampala Uga Furmay Saraakiisha Sirdoonka Ee Qaarada Afrika
March 20, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Kampala:-(HTN) Saraakiisha dhinaca sirdoonka iyo Kuwa amaanka ee wadamada Bariga afrika ayaa kulan ku leh Dalka Uganda Magaalo Madaxdiisa Kampala.


kulankan ayaa looga gol leeyahay sidii la isaga kaashaan lahaa dhinacyadda nabad galyadda, la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale.

shirkan oo loo qorsheeyay in uu socdo muddo laba maalmood ah ayaa si rasmi ah u furmay shalay oo isniin ah.

saraakiisha ka qayb galaysa kulankan ayaa ka kala socda wadamada Uganda, Kenya, Tanzania, Rwanda, Somalia, Mauritius, South Sudan, Sudan, Djibouti, Comoros iyo Madagascar.

Major General Wilson Mbadi, oo ah ku xigeenka ciidamada difaaca dadka reer Uganda ayaa isaga oo u waramayay warbaahinta waxa uu sheegay saraakiisha kulamadaasi ka qayb galaysaa uu qorshahoodu yahay sidii la isu dhaafsan lahaa xogaha ku saabsan ururadda argagaxisada iyo kuwa mucaaradada xoogan ku haya wadamadaasi iyo goolkaba.

sidoo kale waxa iyadana diirada lagu saari doonaa inta uu shirkaasi socdo ka ganacsiga dadka, lacagaha la maydho iyo qodobo kale.

COMMENTS
Latest News