Haqabtirenews.com
Madaxweynaha Jabuuti Oo Loo Aqoonsaday Hoggaamiyaha Dalxiiska Dunida
March 20, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Jabuuti:-(HTN) Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Djabouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa loo aqoonsaday in uu yahay madaxweynihii dalxiiska, maadaama uu dalkiisa ka hir geliyay goobo badan oo loo dalxiis tago.


aqoonsigan ayaan waxa uu ka soo baxay xafiiska Midawga Yurub u qaabilsan waaxda dalxiiska.
Madaxweynaha Midawga Yurub ee dhinaca dalxiiska iyo dhaqaalaha ayaa sheegay in madaxweyne Geelle intii uu talada wadankaasi hayay uu ku talaabsaday guulo badan oo la taaban karo, dhinaca dalxiiskana uu sameeyay goobo badan oo loo dalxiis tagi karo, sidaas daraadeedna waaxda dalxiiska ee midawga yurub ay u aqoonsatay madaxweynihii dalxiiska.
waxa kale oo warkaasi lagu sheegay in dawladda Djabouti ay hir gelisay xarumo loo dalxiis tago oo la dhigay waxyaabaha dhaqanka iyo hidaha ee dalkaasi.
maamulada dhinaca dalxiiska ee dalkaasi ayaa si weyn iyagana loogu amaanay warbixinta ay soo saareen waaxda dalxiiska ee wadamada midawga Yurub.

COMMENTS
Latest News