Haqabtirenews.com
Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo U Hanjabay Jabhada Kurdida
March 20, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Ankara:-(HTN) Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajep Deyib Erdogan ayaa shaley ku goodiyey in ay ciidamadiisu isbalaadhin ku sameyn doonaan goobaha kale ee jabhada Kurdishku ay kaga suganatahay dalka Suuriya, ka dib markii ay ka sareen degmada Afrin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ciidamada Turkigu bartil-maameed ka dhiganayaan magaalada Manbij iyo Ayn Carab oo sidoo kale loo yaqaan Kobani, iyo magaalooyinka kale oo ku teedsan xuduudka Turkiga ee bariga ka xiga wabiga Yufaretis.

Isbalaarin ay ciidamada Turkidu sameeyaan ayaa waxa ka dhalan kara colaad dhexmarta Turkiga iyo Mareykanka oo labaduba ka wada tirsan isbahaysiga NATO. Magaalooyinka xuduudka ah ayaa waxaa maamula jabhada Kurdida Suuriya ee ay Mareykanku taageeraan, iyadoo ciidamao Mareykan ahna ay ku suganyihiin Manbij.

COMMENTS
Latest News