Haqabtirenews.com
Vladimir Putin Oo Ku Guuleystay Markii Afraad Madaxtinimada Dalka Ruushka .
March 19, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Moscow:-(HTN) Komishanka Doorashooyinka Ruushka ayaa sheegay in boqolkiiba 21 gobolada oo dhan ay tiriyeen, waxay sheegeen in Putin hogaaminayo natiijooyinka ,boqolkiiba 71.9 ayuu ka horeeyaa xisbiyadda mucaaradka.

Codbixinta ayaa muujisay musharaxa xisbiga Communist Pavel Grudin uu helay kaalinta labbaad Taas oo u dhiganta 11.2 boqolkiiba codadka,  halka Vladimir Zhirinovsky uu helay kaalinta saddexaad oo u dhiganta 6.7 boqolkiiba.

Ra’yiururinta dalka oo dhan oo ay qabatay Xarunta Cilmi-baarista ee Ruushka (VTsIOM) ayaa muujisay in Putin uu ku guuleystay 73.9% codadkii doorashada.

Doorashadan ayaa 161,000 oo qof oo ka jawaabtay 1,200 oo ka mid ahi ay 68 degmo oo Ruush ah ay ka dhacday,waxaana lagga hellay khaladaad aan ka badnayn 3.5%.

Vladimir Putin ayaa Lix sanno iyo Dheeraad ahaa madaxwayanaha ruushka waxaanu markii afraid noqonayaa sii joogaha xaafiiska kremlinka

Ugu danbayntii shacabka ruushka ayaa u qaba inuu putin yahay shaqsiga keliya ee u babac dhigi kara maraykanka iyo xulafaddiisa .

Waxay ahayd uun maalmo ka hor doorashada markii putin si lama filaan ah uu usoo bandhigay qalab casri ah oo uu soo kordhiyaya iyo qorshayaal hor leh oo uu doonayo inuu ku wajaho dabinadda iyo damaca reer galbeedka.

Wali waxaa reer galbeedku ay raadinayaa siddii khidad iyo farsamo loogu waabinayo dhaqdhaqaaqa ruushka ,waxayna sitaan qoolkii lagu dabilahaa putin iyo Ruushka

COMMENTS
Latest News