Haqabtirenews.com
Kumanaan Suuriyiin Ah Oo Ka Qaxaya Duleedka Magaalada Dimishiq Ee Bariga Quuta
March 18, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Quuta:-(HTN) Dadka rayidka ah ayaa weli ka baxsanaya goobta go’doonsan ee bariga quuda ee ka baxsan magaalada Dimishiq taas oo ay xoogagga dowladda taabacsan ay weerarro aan kala joogsi lahayn ku hayaan.

Muuqaalo ay soo bandhigtay warbaahnita Dowladda ayaa muujinaya boqlaal qof oo isaga qaxaya goobta.

Kooxaha isha ku haya arrimaha Suuriya ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen duqeeymo ka dhacay gudaha magaalada Zamalka iyagoo doonaya in ay ka baxsadaan dhulka go’doonsan ee ay gacanata ku hayaan kooxaha mucaaradka.

Kooxahan ayaa sidoo kale sheegaya in maanta dad gaaraya tobannaan kun oo qof ay ka soo ka qaxeen Bariga Quuta.

Kadib dagaal culus oo ka socday muddo bil ah ayaa hataan waxaa la sheegayaa in dowladda suuriya ay la wareegtay boqolkiiba toddobaatan gobohii ay gacanta ku hayeen mucaaradka.

COMMENTS
Latest News