Haqabtirenews.com
Dawladda Zambia Oo Ogolaaday Basaaboorka Somaliland
March 18, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Zambia:-(HTN) Dawladda Zambia ayaa liiska Baasaabooradda ay u ogoshahay in dalkeeda lagu Soo Galo ku dartay Baasaaboorka Somaliland.

Waaxda Socdaalka ee Dalkaasi ayaa saaray liiska wadamada Baasaabooradooda lagu iman karo dalkaasi, waxaana laga dhex helayaa Baasaaboorka Somaliland oo waliba lagu daray kuwa fiisihiisa laga Dalban Karo Dhinaca Onlineka.


arritan ayaa u sahlaysa shacabka somaliland ee dhinacyadda ganacsiga iyo waliba waxbarashadda ku foogan in ay u heleen hamigooda dariiqii ay ku gaadhi lahaayeen.

in kasta oo Somaliland aan la ictiraafin, hadana waxa ay ilaa iminka haysataa dalal dhawr ah oo baasaaboorkeeda lagu tagi karo.

COMMENTS
Latest News