Haqabtirenews.com
Israa’iil Oo Loo Heysto Qarax Lala Beegsaday Raysal Wasaaraha Falastiin
March 15, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Qaza:-(HTN) Raysal wasaaraha Falastiin Rami Hamdallah ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday kolonyo uu la socday oo booqasho ku tagay deegaanka Marinka Gaza.

Palestinian Prime Minister Rami Hamdullah speaks during a press conference in Gaza City on March 25, 2015 during a visit in the Gaza Strip. AFP PHOTO / MOHAMMED ABED

Waxaa qaraxa ku dhaawacmay 7 kamid ah illaalada Raysalwasaaraha oo aan isagu wax dhaawac ah soo gaarin, waxaa sidoo kale wafdigan kamid ahaa Madaxa sirdoonka Falastin, Majed Faraj.

Ururka Xamaas ee ka taliyaha Marinka Gaza ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameenayo, wuxuuna u saaray guddi uu hogaaminayo madaxa amniga Gaza, Tawfiq Abu Naim.

Xubno ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in weerarkan ay ku lugleedahay Israel oo dooneysa inay markale iska horkeento labada xisbi ee Falastiin Xamaas iyo Fatax oo sanadkii hore wada gaaray heshiis.

Ururada Xamaas iyo Fatax oo ka kala taliya Gaza iyo Ramallah ayaa bishii Oktoober ee sanadkii hore magaalada Qaahira ee dalka Masar ku saxiixday heshiis ay kusoo afjarayaan khilaafkooda, iyagoo ku heshiiyey inay wadashaqeeyaan, inkastoo dhaqan gelinta heshiiskaasi uu dib u dhac ku yimid.

COMMENTS
Latest News