Haqabtirenews.com
Dawladda Rwanda Oo Mamnuucday Dhawaqa Dheer Ee Xilliga Aadaanka Salaadaha
March 15, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Rwanda:-(HTN) Dowladda Rwanda ayaa ka mamnuucday dhammaan masaajiddada inay isticmaalaan cod baahiyeyaasha dhawaqa dheer xilliga aadaanka salaadaha, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay dhibaato ku tahay dadka ka ag dhow.

Sarkaal ka tirsan ururka Muslimiinta dalkaasi ayaa mamnuuciddaasi cambaareeyay isagoo sheegay inay wanaagsanaan lahayd in la isku raaco yareynta dhawaqa, isla markaana cod baahiyeyaasha la isticmaalo muddo kooban.

RwandaLahaanshaha sawirkaAFP

Rwanda ayaa dhowaan xirtay boqollaal kaniisado sababo la xiriira ammaanka iyo buuqa. Baadariyaal badan ayaa iyagana xabsiga loo taxaabay.

Sharci cusub ayaa la soo saaray kaas oo lagu maamulayo sida ay ururro-diimeedyadu u shaqeeyaan – tallaabadan oo loo arkay xaddidaad cusub.

 

COMMENTS
Latest News