Haqabtirenews.com
Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hoggaaminayay Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhoweeyay Magaalada Abu Dhabi + SAWIRRO
March 14, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Dubai:-(HTN) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaadhay magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo soo dhoweyn heer sare loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiiro iyo Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ayaa diyaarad gaar ah oo ah kuwa raaxada lagaga qaaday magaalada Hargeysa.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweyne Muuse Biixi uu martiqaad rasmi ka helay Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, iyadoo socdaalkiisa ka dambeeyay markii Golaha Wakiilada Somaliland ay taageereen Heshiiskii Dekeda Berbera.

Dhanka kale safiirka dalkaasi u fadhiya Somaliland Baashe Cawil oo warbaahinta qaranka la hadlay waxa uu sheegay in madaxwaynuhu kullamo door ah la qaadan doono madaxda ugu sareysa dalkaasi maalmaha soo socda.

Halkan Hoose Ka Daawo

COMMENTS
Latest News