Haqabtirenews.com
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Socdaal Ku Tagaaya Imaraadka
March 13, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargaysa:-(HTN) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta galinka danbe ugu anba baxaya dalka Imaaraadka, madaxwaynaha ayaa raacaaya diyaarad khaas ah oo ay dawlada Imaaraadku u Soo dirtay diyaaradaasi oo ah nooca casriga ah.

Socdaalkani uu Muuse Biixi ku tagaayo magaalada Abudabay ilaa hada kamay hadal xukumadda Somaliland, has ahaatee warar ay shabakada Qarannews, ka helayslo dad ku dhow dhow xaga Imaaraadka ayaa sheegaaya in socdaalkani uu Soo afjaraayo sexeexa heshiiska Saldhiga magaalada Berbera ay ka samaysanayaan dalka Imaaraadku.

Dhanka kalena waxa ay madaxtooyadu amar culus saartay wakaalada duulista iyo hawada Somaliland in ay 24 saacadood gudahood kaga guuran madaarka Berbera oo a dhamaan agabka ka yaala ka qaataan xagaasi.

Dhanka kalana waxa jira socdaalkani uu madaxwaynaha Somaliya uu ugu anba baxaayo dalka Qatar, socdaalkaasi oo isaga laftiisu dareen xoogan uu ka dhex abuuri karo xiisadaha ka kala dhex oogan dalka Imaaraadka Iyo Qatar, waana mid xiisahiisa leh, waxana labadan socdaalkani ay dabka Ku sii qaban doonaan xiisadaha siyaasadeed ee ka kala dhex oogan Imaataadka iyo Qatar Iyo sidoo kale Somaliland iyo Somaliya.

COMMENTS
Latest News