Haqabtirenews.com
Guddoomiye Cirro Oo Ganafka Ku Dhuftey Dalab Uu Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Kaga Codsaday Inuu U Raaco Safarka Uu Ku Tagay Dalka Imaraadka Carabta
March 13, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeesha guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka iyo shir gudoonka golleyaasha guurtida iyo wakiillada.


Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaas laba guddoomiye xisbi mucaarid uu kaga codsadey in ay u raacaan dalka Imaraadka carabta oo uu galabta safar deg deg ah ugu baxay.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa warar xog ogaal ah oo warbaahintu heshay ayaa waxa ay sheegen in uu ganafka ku dhuftey codsigaas isla markaana uu sheegay in aanu isagu u raaci doonin safarka uu ku tagaayo dalka Imaaradka carabta.

Balse waxaa codsigaas ka aqbalay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe kaas oo ka mid ahaa wafigii galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ee uu madaxweynaha Somaliland hogaaminaayey.

COMMENTS
Latest News