Haqabtirenews.com
Bandhiga Dharka Haweenka Sucuudiga Oo Lagu Qabtay Magaalada Barakaysan Ee Madiina Iyo Dareenka Dadweynaha
March 12, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Madiina:-(HTN) Haweenka u dhashay Dalka Sucuudiga ayaa waxa muddooyinkan dambe ay dareemayaan xorriyad, taasi oo ay sanado badan usoo halgamayeen sidii ay u heli lahaayeen sidoo kalena qaar ka mid ah ay xabsiyo u galeen.


Dhawr bilood ka hor ayaa haweenka dalkaasi u dhashay loo ogolaaday inay soo bandhigi karaan amase xayeysiin karaan dharka haweenka, balse bandhigii koowaad ee ay haweenka dalkaasi ku xayeysiinayeen dharka dumarka ayaa waxa uu ka qabsoomay magaalada barakaysan ee Madiina.

Dad aad u tiro badan oo u dhashay Dalkaasi ayaa arrintaasi aad u diiday waxaanay ku tilmaameen in shacabka Sucuudigu aanu hidde iyo dhaqan toona u lahayn arrimaha noocaasi ah isla markaana ay dhaawacayso sharafta iyo sumcada haweenkooda.

Caadil Baabikir oo ah madaxa guddida soo qabanqaabisay bandhigan ayaa waxa uu sheegay in bandhigani uu ahaa mid aan wax ceeb ah xambaarsanayn, isla markaana ay ka soo qayb galeen haween kaliya, iyada oo aanay jirin rag ka soo qayb galay daawashada bandhigani.

 

COMMENTS
Latest News