Haqabtirenews.com
War Deg-deg Ah: Kulan U Dhexeeya Golaha Wakiillada Somaliland Iyo DP World Oo Hadda Ka Socda Xarunta Baarlamaanka.
March 11, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargeysa:-(HTN) Golaha wakiillada Somaliland ayaa saaka xarunta baarlamaanka kula kulmay madaxda ugu sarraysa sherkadda DP World ee maalgashiga ku samaynaysa dekedda Berbera.

Baarlamaanka ayaa sidii shalay ballanku ahaa u soo diyaar garoobay inay su’aalo waydiiyaan madaxda sherkadda iyo guddigii xukuumadda Somaliland u qaabilsanaa ayaa bilaabay inay naaqishaan heshiiska saddex geesoodka ah ee u dhexeeya Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka.

Waxaana halkaas khudbad ka jeediyey Dr Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo guddiga hor kacaya, waxaana la filayaa in xildhibaanadu su’aalo waydiiyaan isaga iyo xubnaha ka socda DP World.

Xigasho: Barigaafrikanews.com

COMMENTS
Latest News