Haqabtirenews.com
Maraykanka Oo Sheegay In Uu Kenya Garab Ku Siinayo Dagaalka Al-shabaab.
March 10, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Nairobi:-(HTN) Xoghayaha arrimaha dibada ee dalkaasi mareykan Rex Tillerson oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka ay dawladda wadankaasi kula jirto dagalaamayaasha kooxada Al-shabaab ee weerarada ka fuliya deegaanada gobolka waqooyi bari.


Rex Tillerson oo la hadlayey warbaahinta wadankaasi Kenya ayaa sheegay inay isga iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay ka wada hadleen arrimo ku saabsab dhanka Amaanka gaar ahaan dagaalka lagu la jiro kooxda Al-shabaab.

Xoghaya arrimaha dibada mareykan ayaa intaa ku daray in mareykanka uu Kenya garab ka siinayo la dagaalanka Al-shabaab iyo xaqiijinta amniga gobolka .
Waxaa kale oo uu sheegay in uu bogaadinayo 4000 Askari ee dowlada Kenya kaga sugan Soomaaliya qeybtana ka ah howlgalkaCiimada Midawga Afrika ee AMISOM.
Mareykanka ayaa dowlada Soomaaliya waxaa uu ka caawiyaa la dagaalanka Al-shabaab iyadoo diyaaradaha dagaalka ee mareykanka ay duqeymo la eegtaan meelaha ay shabaab kaga sugan yihiin dalka.
Ururka Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan waxa ay ka fuliyaan deegaano kala duwan oo ku yaala Gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi kuwaasi oo dadka aan haysan diinta islaamka dila.
Booqashada uu Kenya Ku joogo Rex Tillerson Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa Waxa ay qayb ka ahay safaro uu ku Marayey wadamo ku yaala geeska Afrika Isaga oo Maalintii shalay Maray Dalalka Djabuuti iyo Itoobiya.

COMMENTS
Latest News