Haqabtirenews.com
DAAWO:-“Maraykanku Wuxuu Yidhi Ma Yeelayno Itoobiya Inay Bad la’aato, Markaa Xukuumadda Waxaanu Kula Talinaynaa…” Sheekh Aadan Siiro
March 10, 2018 - Written by Warbaahinta Haqabtire
">

Hargaya:-(HTN) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Duulaanka Dawladaha Gaalada ahi ku hayaan Dalalka Muslimiinta ah ee Somaliland ka mid tahay.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu sheegay “Qofka Muslimka ah, ama Suldaan ha ahaado, ama Masuul ha ahaado ama ahaado Nin Dadka Matalaya’e, inuu ka tanaasulo Xuduudka iimaanka meel ka mid ah maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo Sawir ka bixiyey Qorsheyaal Isreal oo gacan ka helaysa Maraykanku kula wareegayso Dhulka Falastiiniyiinta ‘”Dunida waxa ka jira tartan, waxa la isku haystaa Islaamnimadeenna, maxaa lagu burburiyey Ciraaq, maxaa lagu burburinayaa Suuriya, maxaa lagu burburiyey Yemen, maxaa Maanta ka socda Siinaay? Ninka Maanta (hor-fadhiya) Boqolka Malyuun ee Muslimiinta ah ee Faraaciinta ka soo jeeda ee tirsanaya taariikhda Kumaankunka Sanadood ah, waxay haddana Maanta taagan tahay in Dadkii Siinaay la masaxo. Maraykanka iyo Isael waxay sameeyeen Barnaamij aanay qarinba, kaasi oo ah in Waddamada Muslimiinta la isku jarjaro oo qayb-ba Cid la siiyo, Juquraafi ahaan wax laga beddelo, taasina waata keenaysa in Maraykanku uu Safaaraddiisa u rarro Baytal Maqdis, tallaabada labaadna ay tahay in Dadka (Reer Falastiin) ee Qasa ku nool isla-markaana Tiradoodu tahay Milyan iyo 8 boqol oo kun in Siinaay loo rarro, Cabdicasiis Asiisi (Madaxweynaha Masar) wuxuu arrintaa siisanayaa (ku beddelanayaa) Lacag badan oo ah taa Maraykanku samaysto ee uu Dadka ku gumaysto.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay in Maraykanku uu nidar ku maray in Itoobiya ay Bad hesho “Maraykanku wuxuu yidhi ma yeelayno Itoobiya inay Bad la’aato, Cidda Maraykanku wataa Sharcigu ma qabto, markaa Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa waar heshiisyada aad galaysaan ee khuseynaya ka qiyaamaha dhalanaya ka digtoonaada.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dunidu halkay maraysaa? Adeer bal internet-ka gala. Hadduu Libaax ku qabsado oo aad tidhaahdo ILLAAHOOW Riyo iiga dhig ka warran ? ILLAAHAY Riyo kaaga dhigi maayo ee Caqligii aad kaga bixi lahayd adigoon Cidna collaysan ayaa loo baahan yahay.”

Sheekhu wuxuu sheegay in aan la aqbali karin in Somaliland gumaysi cusub gasho “Waxaan idiin sheegayaa, in Somaliland wax noqoto, Caddaalad ay wax ku noqoto Godob badan baanu ku galnay, in ka badan toban kun oo Su’aalood ayaa marka aan baxaba ay iga waydiiyaan Dad aanu aqoon badan isku lahayn sababta aan ku taageersanahay in Somaliland Caddaalad iyo Xorriyad hesho, markaa Caqli iyo Sharci ahaanba yeeli mayno in Dalka badh ay gaalo qabsato. Markaa waxaan leeyahay Tartanka Adduunka ka jira ee Dawladaha Qaarkood u shaqaynayaan Maraykanka iyo Israel, ee wax lagaga beddelayo dhulkan aynu ku nool nahay waxaanu leenahay Xukuumaddu haka digtoonaato.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay “Inta Maanta talada haysa ee Heshiisyada gaadhaysa, Inta Caqliga iyo Cilmiga leh waxaan leeyahay meeshan yar ee aynu ku nool nahay iyo waxa laga damacsan yahay Mustaqbalka, lagama hadlayo Shan Sannadood ama konton Sannadood. Markaa Xukuumadda Waxaanu kula talinaynaa in aanay Taariikhda u gelin Tartanka ka dhexeeya Xaqa iyo Baadilka inay Daraf ka noqdaan.”

Ugu dambayn, Sheekh Aadan-Siiro wuxuu yidhi “Inta jecel in Dalkani noqdo Dal shareecadu hoggaamiso oo Dadkeedu Nabad iyo Xornimo ku wada noolaadaan waxaanu leenahay Waar gumays kale taag uma hayno, Waayo? si aynu xor u noqono waxaynu qaddinay konton kun oo Qof, waxaynu baa’biinay waxaynu tabcaynay 800 oo sannadood, markaa imika miyeynu hoos tagi karaynaa Dadka qaarkood..”

Halkan Hoose Ka Daawo

COMMENTS
Latest News